Ciidamada Baydhabo oo qabtay qof doonayay inuu is qarxiyo

Ciidamada ammaanka magaalada Baydhabo ayaa ku qabtay gudaha magaalada Baydhabo nin watay waxyaalaha qaraxa oo doonayay inuu is qarxiyo.

Sarkaal u hadlay ciidamada ammaanka ayaa sheegay in ninkan oo magaciisa lagu sheegay Isaaq uu watay Jaakad uu ku xiran yahay waxyaalaha qarxa.

Ninkan ayaa Boolisku ka warheleen kadib markii uu dhigtey qalabkii uu watay guri ku yaal magaalada Baydhabo.

Sidoo kale wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka uu isku soo dhiibay nin ka tirsanaa ururka Al-Shabaab kaasoo ka soo baxsaday gobolada Jubbooyinka.