Maraykanka oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Beled-Xaawo

Danjiraha Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamota oo ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Beledxaawo ayaa ku tilmaamay inay tahay nasiib darro in shacabka Soomaaliyeed lagu dul dagaalamo.

Danjiraha ayaa ugu baaqay dowlada federalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland in ay raadiyaan xal aan ahayn gacan ka hadal,kuna dhameeyaan khilaafkooda wadahadalo.

”Waxaan ugu baaqeeynaa dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan iskahorimaadka hubeysan ee ka socda Beledxaawo. Waxaan ku baaqeynaa in xal nabadeed laga gaaro khilaafka” ayaa lagu yiri Qoraalka soo baxay safaarada Mareykanka ee dalka Soomaaliya.

Dagaalka ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinkaBalad Xaawo iyo Mandheera waxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac dhowr iyo toban qofood oo ay ku jiraan dad rayid ah.