Madasha Xisbiyada Qaran oo shir ugu soo gabgaboobay magaalada Istanbul

Shir socday muddo shan cisho ah ayaa Madasha Xisbiyada Qaran waxaa uu maanta ugu soo gabagaboobay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Madaxweynayaashi hore ee Puntland iyo Koofur Galbeed Galbeed Shariif Xasan iyo C/weli Gaas, Xildhibaano, senator iyo siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay.

Arrimaha shirka looga hadlayay ayaa ahaa doorashada soo socota ee 2021, xaalada siyaasadeed, mida amniga iyo sidii Madashu oo isku duuban doorashada soo socota uga qeyb geli lahaayeen.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in shirka laga soo saari doono war murtiyeed, waxaana wararka intaa ku darayaan in kulamada soo socda looga doodi doono sidii Madashu ay Hal Xisbi uga qeyb geli lahaayeen doorashada 2021.

Sidoo kale waxaa jirta hadal heyn ku aadan in Madashu dhowaan shaacin doonto Musharaxa ay ku mideysan yihiin oo uga qeyb gala doorashada 2021.

Waa shirkii u horeeyay noociisa ah oo Madasha Xisbiyada Qaran ay ku yeeshaan dalka dibaddiisa, tan iyo markii Madasha lagu aas aasay magaalada Muqdisho.