Wasaarada Caafimaadka oo markale ka hadashay cudurka Coronovirus

War Saxaafadeed ka soo baxay wasaarada caafimaadka dowlada federalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ay u diyaargarowday sidii ay ugaga hortagi lahayd cudurka dunida ku sii faafaya ee Coronovirus.

Wasaarada Caafimadka ayaa ku sheegtay warsaxaafadeedka in illaa iyo hadda uusan ka jirin cudurkan dalka Soomaaliya, balse Wasaaradu ay kulamo la yeelatay wadamada deeqaha bixiya iyo hay’adaha ka taageera dhinaca caafimaadka dowlada Soomaaliya, ayna ka wadahadleen sidii dhaqaale ahaan iyo weliba dhinaca farsamada uga taageeri lahaayeen dowlada Federalka ka hortagga iyo ka diyaar garowga cudurka Coronovirus.

Cudurka Coronovirus ayaa  ku sii fidiya dalalka caalamka waxaana haatan soo kordhaya dalalka ku yaal qaarada Afrika ee laga helay dad qaba  cudurkan.

Halkan hoose ka aqriso War Saxaafadeedka;