Axmed Madoobe oo ka codsada Baarlamaanka Jubbaland in 2 bil loogu daro soo dhisida Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka codsaday Baarlamaanka Jubbaland in loogu daro muddo labo bilood ah dhismaha golaha wasiirada Jubbaland.

Kulan uu maanta yeeshay Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa cod aqlabiyad ah ku aqbalay codsiga Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Dhammaan xildhibaanadii soo xaadirtay kulanka ayaa u codeeyay in muddo kordhin la sameeyo mana jirin cid ka aamustay sidaas darteed waxaa halkaas lagu ansixiyay muddo kordhintii uu soo codsaday Madaxweynaha Jubbaland.

Dhowaan ayaa sidoo kale Madaxweynaha Galmudug waxaa uu ka codsaday Baarlamaanka Galmudug in muddo bil ah loogu daro xilliga uu ku soo dhisayo Golaha Wasiirada Galmudug.