Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xariga ka jaray Masjid Qadiimi ah oo dayactir lagu sameeyay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa xariga ka jaray maanta Masjid ku yaal degmada Shangaani e magaalada Muqdisho.

Masjidkan oo ah mid qadiimi ah ayaa burbur waxaa ka soo gaaray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay gaar ahaan kuwii Muqdisho,hase yeeshee waxaa dayactir iyo qalabayn ku sameeyey Maamulka gobolka Banaadir.

Dhismaha Masjidka Taariikhiga ah ee Jaamacadda Shangaani waxaa la hirgaliyay 800-Sano ka hor sida ay sheegeen culumada iyo odeyaasha Degmada Shangaani waxa uuna Masjidkaan kamid yahay goobaha taariikhiga ah ee dalka ku yaala gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Dhismayaal ku yiil degmooyinka Shangaani iyo Cabdulcasiis oo ka mid ah degmooyinka qadiimiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa saameyn ku yeeshay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa haatan dib u soo kabasho laga dareemayaa degmooyinkaas oo laga dhisey haatan dhismooyin cusub dayactirna lagu sameeyay wadooyinka dhex mara.