Madaxdii Ahlu Sunna oo caawa kulan ku leh magaalada Garowe

Wararka ka imanaya magaalada Garowe ee xarunta Maamul Goboledka Garowe ayaa sheegaya in madaxdii Ahlu Sunna ee dhowaan loogaga awood roonaaday magaalada Dhuusamareeb ay caawa kulan ku leeyihiin magaalada Garowe.

Kulankan ayaa yimid kadib markii ay gaareen magaalada Garowe Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo saraakiil kale oo ka tirsan ururka Ahlu Sunna.

Magaalada Garowe waxaa hore ugu sugnaa Hogaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Lama oga in mowqifkii hore ay qaateen Hoggaanka Ahlu Sunna oo ahaa inay siyaasada isaga hareen ay bedeli doonaan iyo inkale,balse warar hoose ayaa sheegaya in hoggaanka Ahlu Sunna uu go’aano ka soo saaro kulamada uu ku leeyahay magaalada Garowe.
Hoggaanka ururka Ahlusunna oo in ka badan 12-sannadood ka talinayey gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan isu dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii looga adkaaday dagaal halkaas ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda.