Bangiga Adduunka oo Soomaaliya ugu deeqay 45 Malyan oo Dollar

Bangiga Adduunka ayaa ugu deeqay Dalka Soomaaliya lacag gaareysa 45 malyan oo dollar kadib markii deymaha lagu leeyahay laga cafiyay dalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre R/wasaaraha xukuumadda soomaaliya oo xalay ka qeybgalay munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada ayaa sheegay in bankiga adduunka uu ku soo shubay lacag gaareysa 45 milion oo doollar bankiga dhexe ee dalka.

“Lacagta baanka adduunka ka timid waxaa lagu dhisayaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka iyo in horumarin lagu sameeyo arrimaha bulshada ee dalka,”ayuu yiri Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in waa cusub uu u baryay dadka Soomaaliyeed ayna geli doonaan xilli barwaaqo ah.