Duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunyo-Barrow ee gobolka Sh/hoose

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta dowlada federalka ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka oo kaashanaya ciidamada Soomaaliyeed ay duqeyn ka geysteen deegaanka Kuunyo-Barrow ku dileen dagaalame ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeyntan oo dhacday xalay ayaa la sheegay in lala eegtay dagaalame ka tirsan Alshabaab isla markaana ay xaqiijinayaan in dad rayid ah wax ku noqdeen.

Ciidamada Maraykanka ayaa duqeynta ay ku hayaan deegaano ku yaal Koofurta Soomaaliya ay kordhiyeen tan iyo bilowgii sanadkan.