Askari ka tirsanaa ciidamada Milatariga oo dil lagu xukumay

Maxkamada Ciidanka ee Jubbaland ayaa xukun dil ah ku riday Dable Bile Khaliif Xussein oo ka tirsan Ciidanka Militariga dowladda Federaalka qaybta 43-aad.

Askariga ayaa lagu helay dambi ah inu dil u geystey askari kale taariiqdu markii ay ahayd 5tii bishan oo ku beegneyd khamiistii aynu ka soo gudubnay.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Dhicis Axmed waxana lagu diley xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo.

Garsooraha Maxamed Ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ku dhawaaqay in askarigaas lagu riday Xukun dil ah.

Maamulka Jubbaland ayaa hore askar dil geysatay xukun dil ah ku fulisay iyadoo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen in aan baaritaan badan lagu sameeyn dambiyada dilalka isla markaana aysan jirin qareeno u dooda eedeysanayaasha.