Axmed Madoobe oo ku baaqay in laga joojiyo dowlada Soomaliya kaalmada Milatari

Madaxweyne Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu baaqay dalalka Turkiga iyo Qadar inay joojiyaan dhaqaalaha iyo tababarada ay siiyaan ciidamada Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka sheegay maanta magaaladda Kismaayo xilli la furayay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka.

Khudbada furitaanka baarlamaanka ayuu ugaga hadlay siyaasada dalka gaar ahaan tan Jubbaland isagoo ku eedeeyay dowlada fedreralka inay farogelin ku hayso Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay ciidamada dowlada federalka ay keentay gobolka Gedo inay si dhaqso ah uga baxaan.

“Dowladda Turkiga waxaan oran lahaa jooji ciidanka aad tababaraysaan majirto Dowlad wax lagu aamini karo ,Qadar waxa aan leeyahay jooji sanuuda aad bixinayso,Itoobiya waxa aan leeyahay joojiya Saraakiishiina faragalinaysa arrimaha Jubbaland” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isagoo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka waxa uu sheegay in aysan ka dhici karin dalka doorasho.

Maamulka Jubbaland ayaa khilaaf xoog leh waxa uu kala dhexeeya dowlada Federalka Soomaaliya iyadoo khilaafkaasina sababay in ay ku dagaalamaan ciidamadooda xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.