Daahir Geelle;“Dagaalka ka socda Soomaaliya waa Dagaal Sokeeye.”

Siyaasiga Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku tilmaamay dagaalada ka dhacay gobolka Gedo inuu yahay dagaal sokeeye,waxana uu ku taliyay in khilaafka ka jira dalka lagu xaliyo wadahadal.

Daahir Geelle ayaa aad u dhaliilay siyaasada dowlada federalka isagoo sheegay in dadka ay is qabtaan ay weeraraan.

“Dalka waxaa ka dhacaya waa dagaal sokeeye,waayo dagaalka ka dhex dhaca wadan hal calan leh waa dagaal sokeeye.”ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa dhaliilay tababarka ay ciidamada Soomaaliyeed qaataan isagoo xusay in aan loo baahnayn lahayn in ciidanka diyaarado lagu qaado marwalba.

”Ciidan aan wadada Afgooye mari-karin oo tan Balcad aan aadi karin Gedo lama geeyo Dayuurad inta lagu qaado”ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa soo hadal qaaday in ciidamada dowlada aysan mari karin wadada u dhexeysa Muqdisho,Balcad iyo Afgooye.