Madaxweynihii hore ee Puntland Gaas oo gaaray magaalada Garowe

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Cabdiweli Gaas oo ka maqnaa dalka tan iyo markii uu wareejiyay xukunka Puntland ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Garowe.

Ujeedada imaatinka Garowe ayaa la sheegay inay tahay ka qeybgalka kulanka wadatashiga ah ee uu ku baaqay Madaxweyne Deni.

Magaalada Garowe oo laga dareemayo dhaqdhaqaaq soo dhoweynta siyaasiyiinta ka qeybgalaysa shirka ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay.