Xubno ka mid ah qoyska reer Boqor ee Sacudi Carabiya oo xabsiga la dhigay

Saddex ka mid ah qoyska reer Boqor ee dalka Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu amray dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salmaan.

Sida ay daabaceen qaar ka mid ah wargeysyada dalka Maraykanka Amiir Ahmed bin Abdulaziz, boqor Salman walaalkiis ka yar iyo Amiir Mohammed bin Nayef, oo ah wiilka uu adeerka u yahay boqorka jimcihii.

Lama oga eedeymaha loo haysto amiiradan hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in loo haysto dacwado kala gedisan oo ay ka mid tahay qayaano.

Dhaxal sugaha ayaa sheegay in ay waji doonaan xabsi daa’in ama dil,maadaama ay ku kaceen qiyaano Qaran.

Maamulka Sacuudiga ayaa sidoo kale xirey Nayef walaalkiis ka yar, Amiir Nawaf bin Nayef.

Tallaabadan uu qaaday Dhaxal sugaha ayaa timid wax ka badan laba sano kadib markii boqolaal ganacsato Sacuudiga ah iyo ugu yaraan 11 amiir Sacudi Carabiya lagu xiray eedeymo la xiriira musuq-maasuq.