Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay deegaan ka tirsan Sh/dhexe

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah dagaal xalay ku dhex maray deegaan u dhexeeya magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ciidamada Milatariga dowlada iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shababa ay xalay fiidkii weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Raaxoy oo u dhexeeya Jowhar iyo Balcad.

Rasaas xoog leh ayaa la sheegay in la isku weydaarsaday dagaalkan hase yeeshee lama oga waxyeelada soo kala gaartay labada dhinac.

Sarkaal u hadlay ciidamada ayaa sheegay in ay ka warqabeen weerarkan ayna u diyaargaroobeen waxyeelana gaarsiiyeen dagaalamayaashii soo weeraray.

Sidoo kale warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa lagu daabacay in weerarkan uu ahaa mid lagu qaaday kolonyo ciidamada AMISOM ah waxyeelana loo geystey.