Maraykanka oo duqeyn ku diley dagaalamaayl ka tirsan Al-Shabaab

Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa ka hadlay duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

AFRICOM ayaa ku faahfaahisay duqeynta qoraal ay soo saartay waxaana lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 7/3/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen meel u dhow deegaanka Gandarshe ee Gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,sida uu sheegay kuxigeenka Maareeyaha Howlgalada Taliska Afrika ee Afrika Janeraal Miguel Castellanos.

Mareykanka ayaa sanadkan 2020ka waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegsanayo Xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya,waxaana bilihii ugu dambeysay duqeyntii ugu badneyd uu ka fuliyey Gobolada Jubbada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.