Maamulka Somaliland oo joojiyay ruqsadii maraakiibta kalluumeysiga

Maamulka Somaliland ayaa ku dhowaaqay in ay joojinayaan ruqsadii ay siin jireen Maraakiibta ka kallumeysato xeebaha Somaliland.

Wasiir Kalluumeysiga Somaliland Saciid Sulub ayaa sheegay in ku gudo jiraan sidii loo sameyn lahaa siyaasad lagu xakameynayo Kalluumeysatadda kala duwan ee Xaalufiya kheyraadka kala duwan ee ku jira Badda.

“Waxaa aanu go’aansaney marka aanu ogaano waxaa Badda inoogu jira ee inoo iibgalaya iyo sida aynu u ilaashaneyno kalluunkeena ka yar ama dabar go’aya wakhtiga la xirayo iyo wakhtiga la qaadayo waxaa aanu go’aan ka soo saarney in aanan cid danbe heshiis la gelin, shuruucdii lagu xakameynayay Maraakiibtan kheyraadka baabi’iya waxna wey diyaarsan yihiin waxna waanu wadnaa, ilaa aanu dhammeystirno heshiiskii lala galayey, anaga oo u eegeyna gobolka sida Kenya, Eritrea, Jabuuti in aanu sicirkii ogaano oo aan aheyn mid aynu kaga sareyno suuqa”ayuu yiri wasiirka kalluumeysiga Somaliland.

Ugu dambeyntii Wasiirka xannaanada xoolaha iyo kalluumeysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa waxaa uu tilmaamay in wakhtigan ay jiraan afar Markab oo ka oo ka kalluumeysta xeebaha Somaliland,kuwaasoo hore uu u siiyay ruqsad wasiirkii isaga ka horeeyay.

Soomaaliland ayaa dhowr jeer sheegtay inay jiraan maraakiib Shisheeye kuwaas oo xaalufin ka wada Kheyraadka ku jira Badda marta deegaanana Soomaaliland,iyaga oo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan.