Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo gaaray magaalada Dhoobley

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow gaaray magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaana safarkiisa ku wehelinaya saraakiil ka tirsan maamulkiisa.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhowaan ka soo laabtay magaalada Dhoobley waxana uu intii uu ku sugnaa magaalada Kismaayo furay kalfadhiga baarlamaanka Jubbaland.

Waxana uu khudbad uu ka jeediyay Baarlamaanka Jubbaland uu ugu baaqay dowlada federalka inay ciidamada ay geysay gobolka Gedo dib ugu celiso magaalada Muqdisho.