Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda maanta magaalada Barawe

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maanta booqasho ku tago magaalada Barawe oo ah Caasimada rasmiga ah ee Maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya.

Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha oo ay qayb ka yihiin saraakiil katirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay tagay magaalada Baraawe.

Wararka ka imanaya Baraawe ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in ciidamada AMISOM heegan buuxda la geliyay.

Ujeedada booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay inay tahay sidii uu xariga uga jari lahaa garoonka diyaaradaha magaalada Barawe uuna u dhagax dhigi lahaa mashaariic kale.

Magaalada Barawe ayaa dhowaan waxaa booqasho ku tagtay marwada Madaxweynaha iyadoo dhagax dhigtey xarun caafimaad oo laga hirgelinayo Baraawe.