Ra’iisul Wasaaraha Sudan Cabdalla Hamdok oo ka badbaaday isku day dil

Ra’iisul Wasaaraha dalka Sudan Cabdalla Hamdok ayaa ka badbaaday isku day dil caasimada Kharduum.

Qarax ayaa lala eegtay gaarigii uu saarnaa ra’iisul wasaaraha hase yeeshee wuu ka badbaaday sida laga soo xigtey sarkaal u hadlay ra’iisul wasaare Hamdun.

Hamdun ayaa la geeyay goob ammaan ah sida ay sheegeen saraakiil u hadashay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Qaraxan ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday ra’iisul wasaaraha xilli uu ku sii jeeday xafiiskiisa. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan.