Faahfaahin ka soo baxayso dagaal ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxa uu ka dhacay xarunta ciidamada xoogga dalka ee qeybta 21aad ee magaalada Dhuusamareeb.

Wararka la helayo magaalaga Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dagaalku uu u dhexeeyay ciidamada nabad sugida iyo kuwa milatariga.

Dagaalka dhex maray labada ciidan ayaa waxaa la sheegay inay ku geeriyoodeen laba askari halka qof kale oo rayid ahaana uu dhaawac ka soo gaaray.

Maamulka Galmudug ayaa doonayay inay ka dhisaan Madaxtooyo cusub xarunta ciidamada xoogga dalka ee qeybta 21aad.

Waxaa hadda dagan xaaladda Magaaladda Dhusomareeb iyada oo ciidanka Milatariga Soomaaliya ay ku suganyihiin goobtii lagu dagaalamay oo ah Xarunta qayt 21 aad ee Ciidanka Xoogga dalka.