Hay’ada Nabadsugida oo sheegtay in Madaxii Amniyaadka gobolka Banaadir

Hey’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Bogga Twitter-keeda ku baahisay in xalay degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay Muuse Macalin oo sida lagu sheegay qoraalka dhawaan iska casilay madaxa amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay hey’adda Nabada Sugidda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in amar uu bixiyey hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye lagu xiray madaxa howlgelinta amniyaadka Al-Shabaab ee ka howlgala gobolka Banaadir, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cumar Maxamed.

“Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo hore isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee AS, sidoo kale waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka GobolkaBanaadir, Cumar Maxamed, iyadoo lafulinayey amarka Horjooge Axmed Diiriye” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu soo daabacay barta Twitterka ee hey’adda NISA.

Hay’ada nabadsugida ayaan sheegin qaabkii loo diley madaxii hore ee Amniyadka gobolka Banaadir,hase yeeshee waxaa dhowaan dowlada Maraykanka ay duqeyn ku dishey sarkaal ka tirsanaa ururka Alshabaab kaasoo hogaamiyay weeraro badan.