Maraykanka oo duqeyn ka geystey deegaan ka tirsan Shabelaha Hoose

Ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa ka hadlay duqeyn ay ka geysteen deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Warka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya ay bartilmaameedsadeen degaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeyntan ayaa lagu sheegay qoraal ka soo kala baxay wasaarada warfaafinta dowlada federalka iyo taliska Africom in lagu diley afar ka mid ah dagaalamayaasha AlShabaab.

Maraykanka ayaa kordhiyay duqeynta ay ka geysanayaan deegaano kamid ah gobolada Koofureed,hase yeeshee ma jiro war madax banaan oo ka hadlay duqeyntan ugu dambeysay.

Halkan ka aqriso qoraalada ay soo saareen Africom iyo Dowlada Federalka;