Duqeyn ay ka geysteen AFRICOM Janaale oo dad rayid ah ku dhinteen

Waxaa soo baxay warar sheegaya in duqeyn gelinkii dambe ee shalay ka dhacday deegaan ku dhow Janaale ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo saarnaa gaari mini bus ah.

Gaarigan ayaa ka soo tegey magaalada Janaale isagoo ku sii jeeday degmada Afgooye waxaana la sheegay in uu madfac ku dhacay xilli uu marayay deegaanka Ugunji.

Xildhibaan Mahad Dhoore oo ka mid ah xildhibaanada Koofurgalbeed ayaa sheegay in aan la garanayn tirada dadka ee ku dhintey gaarigaas iyagoo hilbihii dadkaasi ay wada gubteen.

Hase yeeshee Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn ay ka geysteen Janaale ay ku dileen illaa shan ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Balse Africom qoraal ka soo baxay ayaa shaki lagu muujiyay inay duqeyntii ugu dambeysay ay geystaan ay dad rayid ah ku gaareen.

Ciidamada Maraykanka ayaa kordhiyay duqeynta ay ka geysteen dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Koofurta Soomaaliya.