Wafdi ka socda Midowga Yurub oo gaaray maanta magaalada Baraawe

Wafdi ka socda Ururka Midowga Yurub ayaa maanta booqasho ku tegey magaalada Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee Maamul goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Baraawe kusoo dhaweeyey Wasiirka Gaadiidka & dekadaha Maamulka Koonfur Galbeed,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax iyo mas’uuliyiin kale.

Xubnaha Wafdiga ayaa lagu wadaa inay kulan la qaataan Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan degmadaas,iyagoo kala hadli doono mashaariic laga hirgelinaayo degmada Baraawe.

Wafdiga Midowga Yurub ka socda ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha kala duwan ee Dhismaha garoonka maadaama qarashka lagu dhisay Garoonka qeyb kamid ah uu bixiyey Midowga Yurub.

Madaxweynaha Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa dhowaan sheegay in maamulkiisu uu u guurayo magaalada Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee Koofurgalbeed.