Magaalada Muqdisho oo lagu karantiilay 4 ruux oo ka yimid dalalka uu cudurkan ka jiro

Dowlada Federalka ayaa shaacisay in qaar ka mid ah dadka ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kuwaasoo ka yimid dalalka uu cudurkani ka jiro la karantiilay.

Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay karantiishay Afar ruux oo ka yimid dalalka uu sameeyay Cudurka Coronovirus.

Dadkan la karantiilay ayaa waxaa ka mid ah nin ka yimid dalka Shiinaha oo tobankii bishan la karantiilay halka saddexda ruux ee kale maanta la geeyay goobta lagu xanaaneynayo.

Wasiirka caafimaadka ayaa sheegtay in lagu haayo dadkan meel gaar ah oo lagu tala galay, islamarkaana ay caafimaad qabaan ayna fulinayaan Awaamiirta Caalamiga ah ee Coronovirus ah.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday in Caabuqa Corona uu yahay musiibo caalami ah.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa shalay shaacisay in uu cudurkan soo ritey dad gaaraya 118,000 ruux halka wadamada cudurkani uu ka jiro ay gaarayaan 114 dal.