Faahfaahin ka soo baxaysa sarkaal lagu diley xalay degmada Mahaday

Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay lagu diley sarkaal ka mid ah ciidamada xoogga dalka iyo mid kamid ah ilaaladiisa kadib markii dabley hubeysan ay weerareen.

Weerarkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay in lagu qaaday sarkaalkan iyo ilaaladiisa oo ku sii jeeday saldhig ay ciidamada milatariga ku lahaayeen degmada Mahaday.

Waxaana sidoo kale la sheegay in weerarkan ay ku dhaawacmeen labo ka mid ah ilaalada sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Cali Cigalle oo caan ka ahaa deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Illaa hadda lama oga cidda ka dambeysay weerarkan,hase ahaatee baraha taageera Al-Shabaab ayaa lagu daabacay in ururka Al-Shababa ay xalay la wareegeen maamulka degmada Mahaday.