Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Waare iyo Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle

Khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdishakur Abuukar Xasan ayaa soo if baxay iyadoo khilaafkaasna uu salka ku hayo xilka qaadis uu sameeyay Wasiirka Maaliyadda.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xilka qaadis uu Wasiirka Maaliyada maamulkiisa ku sameeyay Agaasimihii Wasaaradaas Khadiijo Shiikh Axmed.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa lagu amray dhammaan shaqaalaha wasaarada Maaliyada inay ka soo qeybgalaan shir la qaban doono 16ka bishan.

Madaxweyne Waare ayaa soo saaray Wareegto uu isugu yeerayo dhamaan shaqaalaha Wasaarada oo Wasiirka uu ku jiro 16-ka Maarso 2020.

Wasiirkii hore ee Maaliyada Hirshabelle Maxamed Maxamud Cabdulle (Maxamed Dheere) ayaa xilkiisa ku waayay xilka qaadis uu ku sameeyay isla gabadhan agaasimaha ka ah Wasaarada Maaliyada Hirshabelle Khadiijo Shiikh Axmed.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaan ka howlgalin xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ee Jowhar waxana uu dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo magaalada Beledweyne.