Madaxda Galmudug oo la kulantay Guddiga Qabanqaabada Caleemasaarka Madaxda Galmudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Axmed Cabdi Kaariye iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Guddoonka guddiga qabanqaabada caleemasaarka madaxda Galmudug oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Kulankan ayaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa qabashada munaasabada caleemasaarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Guddoonka guddiga qabanqaabada caleemasaarka ayaa u sheegay Madaxda Galmudug inay ka shaqeyn doonaan sidii dhaqso loo qaban lahaa munaasabada caleemasaarka madaxda Galmudug.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo faro badan saldhigyo loogaga sameeyay xaafadaha magaalada Dhuusamareeb.