Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo 16ka bishan ku kulmaya Nairobi iyo Abiy Ahmed oo ka qeybgalaya

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa 16-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota wada hadalo ku yeelan doona magaalada Nairobi, iyadoo kulankan ay dowladda Kenya ku casuuntay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed inuu qeyb ka noqdo wada hadaladaas.

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu noqdo shir saddex geesood ah oo looga hadlo xiisada ka taagan xuduuda iyo kala duwanaanshaha arrinta Jubbaland.

Dalalka Soomaaliya,Kenya iyo Ethiopia ayaa xuduudahooda ay yihiin kuwo isku dhow,waxaana saameyn ku wada yeeshay khilaafka ka dhex jira dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dhowaan ayaa waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya iyagoo ka wadahadlay ajandayaasha shirka ay yeelanayaan madaxda labada dal.

Xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa sii xumaaday tan iyo markii Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu ka baxsaday Muqdisho fariisimana ka sameystey magaalada Mandhera ee dalka Kenya.