Wafdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo gaaray magaalada Garowe

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise oo hoggaaminaya xubno isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa gaaray maanta magaalad Garowe ee xarunta Puntland.
Wafdigan ayaa waxaa qorshahoodu yahay inay ka qeybgalaan shirka wadatashiga ah ee Madaxweynaha Puntland ku baaqay in uu ka dhaco 15ka bishan March 2020 magaalada Garowe.

Magaalada Garowe ayaa waxaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku qulqulayay siyaasiyiin isugu jira mucaarad iyo Muxaafad kuwaasoo doonaya inay ka qeybgalaan shirka wadatashiga Puntland.

Xiriirka ka dhexeeya maamulka Puntland iyo Dowlada Federalka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay sii xumaanayay iyadoo Maamulka Puntland uu aad u dhaliilsan yahay qaab dhaqameedka siyaasadeed ee dowlada federalka.