Waqtiga ay dhacayso Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug oo la shaaciyay

Xilliga ay dhacayso munaasabada caleemasaarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa si rasmi ah loo shaaciyay kadib markii guddiga uu kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha Guddiga qaban qaabadda Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha maamulka Galmudug Yuusuf Garaad Cumar oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso Xafladda Caleemasaarka.

“Wadatashiyo kala duwan oo aan sameeynay ayaan ugu dambeyntii go’aansanay in Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa la qabto 26-ka bishaan March ee sanadkan 2020ka.”ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar Axmed.

Xafladda Caleema saarka Madaxda cusub ee Galmudug ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan madaxda ugu sareysa Soomaaliya iyo sidoo kale wufuud kala duwan oo lagu casuumay.