Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo gaaray magaalada Afmadow 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray maanta magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ka mid ah  Sarakiil ka tirsan Ciidamada iyo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland,waxana uu ka soo kicitimay magaalada Dhoobley oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay uu ku sugnaa.
Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Degmada Afmadow kusoo dhaweeyay Sarakiisha iyo Ciidamada ku sugan degmada Afmadow iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa wada dadaalo uu ku doonayo inuu ku xoojiyo maamulkiisa iyadoo khilaafka ka dhex jira Maamulka uu madaxda ka yahay iyo Dowlada Federalka uu saameyn weyn ku yeeshay guud ahaan dalka Soomaaliya.