Madaxweynaha Puntland oo ku eedeeyn kulul u soo jeediyay Madaxda Dowlada Federalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka wadatashiga ee ka furmay magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay madaxda Dowlada Federalka inay ka soo horjeedaan Nidaamka Federalka.

Madaxweyne Deni oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa qudbadiisa waxa uu inta badan ugaga hadlay siyaasada dalka.

”Madaxda Dowladda Federalka ah waxay si barer ah u hareer mareen nidaamkii Federalka ee lagu dhisay iyagoo si ulakac ah u raba inay u maroorsadaan dhammaan awoodaha dowladaha xubnaha ka ah si aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Shuruucda kale ee dalka”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni oo sii hadlay ayaa sheegay in farogelin iyo caburin ay ku hayso dowlada federalka maamul goboleedyada ka jira dalka.

“Burburinta,Faragalinta,Afduubka,Cabburin sharci darro ah oo lagu hayo arimaha gaarka ah ee dowladaha xubnaha ka ah DF taasi oo halis ku ah nidaamka dalka iyo dadka ayey dowladdu waddaa”ayuu hadalkiisii sii raaciyay.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay Madaxda Dowlada Federalka in ay diideen xal ka gaarista khilaafka jira.

“Waxaan xooga saarnay in xal laga gaaro khilaafaadka u dhaxeeya DF & Puntland ,waxaana ka hadalnay arrimaha caqabadaha nagu ah,balse wax walba waxaa ay ka socon waayeen Madaxda dowladda Federaalka oo hareer maray qorshihii lagu dhisey dowladda iskuna dayay inay awooda dhan qaataan.” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Shirka ka furmay magaalada Garowe ayaa waxaa ka qeybgalay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada federalka waxana la filayaa dhamaadka shirka in laga soo saaro warmurtiyeed dhammaan ka qeybgalayaasha ay u dhan yihiin.