Seyga cusub ee Ilhan Cumar oo qaatay Diinta Islaamka

Afhayeen u hadlay Ilhan Cumar oo lagu magacaabo Jeremy Slevin ayaa xaqiijiyay in Tim Mynett uu qaatay diinta Islaamka.

Jeremy Slevin oo u waramayay Bbcda ayaa sheegay in Ilhan iyo Tim ay hab waafaqsan diinta Islaamka isku guursadeen.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in ay isku guursadeen hab waafaqasan diinta Islaamka iyo sharciga, seyga Ilhan na uu qaatay diinta Islaamka”, ayuu yiri Jeremy.

Hase yeeshee Jeremy oo la weyiidyay in uu Tim uu bedelay magaciisii iyo xilliga uu qaatay diinta Islaamka ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo.

Mynet oo Ilhan Cumar oo kamid ah Congresska dalka Maraykanka u qaabilsan dhanka ololaha doorashada ayaa waxa ay kala tageen xaaskisiii hore Beth Mynett halka Ilhan Cumarna uu furay seygeedii ka soo jeeday dalka Soomaaliya.

Tim Mynett oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa dhashay sanadkii 1981, waxana uu wax ku bartay jaamacadda New York.

Mynet waxaa uu ka tirsan yahay E Street group oo ah shirkad inta badan ka shaqeysa istaatijiyadda ololaha doorashooyinka, dejinta qorsheyaasha musharixiinta doorashooyinka iyo shaac bixinta.

Dhowaan ayaa Ilhan Cumar waxa ay barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub, Tim Mynett, iyadoo ku qortay: “Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah,”