Shirka Wadatashiga Puntland oo goor dhow ka furmay magaalada Garowe

Shirweynaha Wadatashiga Puntland ayaa goordhow ka furmay xarunta Jaamacada PSU ee magaalada Garowe.

Furitaankii shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Maamulka Puntland, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada federaalka Soomaaliya, Waxgarad, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Siyaasiyiinta shirkan ka qeybgalaya ayaa waxaa ka mid ah ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Illaa iyo hadda ma jiro warar faahfaahsan oo ku saabsan ajandayaasha shirkan loogaga hadlayo.