Shirka Wadatashiga Puntland oo maanta ka furmaya Garowe

Shirka Wadatashiga Puntland ayaa maanta oo Axad ah lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Garowe, iyadoo shirkan uu bil ka hor iclaamiyay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Shirkan oo maalmihii la soo dhaafay qaban qaabadiisa ka socotay magaalada Garowe ayaa waxaa ku sii qulqulayay magaalada wafuud ka qeyb galeysa oo isugu jira Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanada labada Gole, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xubnaha ka qeyb galaya shirkaas ayaa la sheegay inay isaga kala yimaadeen dalka iyo dibaddiisa, waxaana shirka loo qorsheeyay inuu socdo muddo saddex cisho ah.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa si rasmi ah shirka u furi doona, sidoo kale waxaa ka soo muuqan doona Madaxdii hore ee Puntland iyo siyaasiyiin caan ah.

Goobaha waxbarashada ee Garowe ayaa shirka loo fasaxay, sidoo kale warbaahinta ayaa qeyb ka noqon doonin inay goobjoog ka noqdaan shirkaas oo lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah, marka laga reebo in warbaahinta Puntland goobjoog ka noqon doono furitaanka shirka, hadana doodaha qaar ee shirka hareyn doono ayaa laga mamnuucay

Inkastoo shirkan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah oo khilaaf u dhaxeeyo dowladda Federaalka iyo Puntland, haddana waxaa la saadaalinaya inuu noqon karo go’aamada ka soo baxa shirkan mid looga hadlo xaalada siyaasadeed ee dalka.