Dowlada Federalka oo soo saartay Talooyin ku saabsan cudurka Coronovirus

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartey talooyin la xiriira ka hortagga cudurka Caronavirus kadib markii baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in cudurkaasi uu soo gaaray gudaha dalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay wasaarada caafimaadka ayaa talooyin lagu siiyay ardayda iyo waalidiinta Soomaaliyeed.

Si kasta ha ahaatee haddii cudurkan laga helo dad kale ayaa laga yaabaa in dowladu ay joojiso kulamada iyo isu imaatinka,iyadoo ay ugu horeeyaan goobaha waxbarashada.

Halkan hoose ka aqriso talooyinka ay soo saartay wasaarada caafimaadka.