Dowladda Soomaaliya oo ka fikireysa go’aan laga qaato diyaaradaha ka yimaada Kenya iyo Itoobiya

Iyadoo Caalamka uu fara ba’an ku haayo Cudurka Coronavirus oo dad kumanaan gaaraya ay ugu dhinteen ayaa waxaa isa soo taraya go’aamada dhanka socdaalka ee ay qaadanayeen dowladaha qaar oo joojiyay diyaaradaha uga imaanaya wadamada laga helay cudurkan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka fikireysa go’aan dhanka socdaalka ah oo laga qaado dalalka deriska ah, gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya oo diyaarado maalinle ah ka yimaadaan, waxaana labadan dal laga helay dad qaba Coronavirus.

Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka ee dowladda Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay uga hortagayaan cudurka Coronvirus, si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed.

Maareeyaha oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VO ayaa sheegay in shir degdeg ah ka yeelanayaan arrimahan, isla markaana ay si weyn uga fikirayaan xayiraad ay saaraan dadka ka imaanaya dalalka Itoobiya iyo Kenya oo Cudurka laga helay balse aysan ku deg degeyn maadaama weli uu ku cusub yahay, waxaana uu cadeeyey inay awood u leeyihiin inay duulimaadyada ka imaanaya wadamada Cudurka laga helay ay joojiyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mamnuucday dalka inay soo galaan dadka ka imaanaya afar dal ee uu si weyn u saameeyay cudurkan, waxaana dhowaan la sheegay in la karantiilay afar qof oo ka yimaaday dalalka Shiinaha iyo Talyaaniga oo qaarkood ka mid yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka Midowga Yurub.