Wararkii u dambeeyay Janaale oo Ciidamada dowladda la wareegeen

Ciidamada dowladda ayaa la wareegay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib howlgal Ciidamada xoogga ku qaadeen deegaankaas.

Deegaanka Janaale oo ah deegaan istaraatiiji ah ayaa ku caan ah wax soo saarka beeraha, waxay afartii sano u dambeysay Al-Shabaab u aheyd xarun lacago fara badan ka helaan canshuurta beeraha.

Ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya ciidamo caalami ah ayaa dagaalo culus kala kulmay Al-Shabaab intii ciidamada ku guda jireen howlgalkooda.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidamada ay gudaha ugu jiraan deegaanka, ayna socoto xaqiijinta amniga.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Al-Shabaab ay markii hore isaga baxeen deegaanka markii Ciidamada ku soo dhowaadeen, hase ahaatee weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwo toos ah ku soo qaadeen intii Ciidamada soo galayeen deegaanka.

Deegaanka Janaale ayaa afartii sano u dambeysay ay ka talinayeen Al-Shabaab, 1-dii bishii September ee sanadkii 2015 ayay aheyd markii Al-Shabaab weerar ku bilowday qarax weyn ay ku qaadeen saldhigga Ciidanka AMISOM, waxaana weerarkaas lagu dilay askar ka tirsan Ciidanka Uganda, weerarkaas wixii ka dambeeya oo khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay Ciidanka AMISOM ayay bilaabeen inay isaga baxaan.