Akhriso: War-Murtiyeedka laga soo saaray Shirweynaha Wadatashiga Puntland

Shirkii Wadatashiga Puntland ee ka socday magaalada Garowe ayaa laga soo saaray warmurtiyeed loogaga hadlay qoddobadii shirkaasi lagu heshiiyay.

Qodobadda ka soo baxay shirka ayaa waxaa ka mid ah in ay in Puntland ay u fidisay gogol saamileyda siyaasadda si looga heshiiyo qaabka doorashada lagu geli lahaa sanadka 2020/2021.

Sidoo kale, waxaa warmurtiyeedka lagu sheegay in Puntland qaadacday Sharciga doorashooyinka heer Federaal oo ay ansixiyeen labad Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, uuna saxiixay madaxweyne Farmaajo, Sharcigaas oo Puntland ku tilmaantay mid baal-marsan dastuurka iyo shuruucda dalka, isla markaana aan marna la aqbaleyn muddo kororsi.

Halkan hoose ka aqriso Warmurtiyeedka Shirka ka soo baxay;