Ciidamo ka soo laabtay tababar oo lagu karantiiley Muqdisho

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowlada Federalka ayaa maanta ka mid noqday dadka lagu karantiilay magaalada Muqdisho kadib markii ay ka soo laabteen tababar ay ku qaadanayeen dalka Talyaaniga.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiishan ay ka mid ahaayeen rakaabka diyaarad ka soo duushay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo maanta soo degtey garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dalka Talyaaniga ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka ugu badan ee uu cudurka Coronoviruska uu saameeyay,waxaana uu ka mid yahay dalal ay dowlada Soomaaliya dhowaan sheegtay in laga mamnuucay dadka ka imanaya inay yimaadaan dalka Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in qof ka mid ah dad ka yimid dalka Shiinaha laga helay cudurka Coronovirus.

Tallaabooyin ay dowlada soomaaliya ku dooneyso in loogaga hortago cudurkan Coronoviruska ayaa waxaa ka mid ah in la joojinayo duulimaadyada oo idil laga bilaabo 19ka bishan aynu ku jirno.