Somaliland oo amaro ka soo saaray kahortagga cudurka Coronoviruska

Guddiga Qaran ee u diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka Coronavirus ee Maamulka Somaliland ayaa ku dhowaaqay amaro ay ka mid tahay in la joojiyo duulimaadyada dalal laga helay cudurka Coronoviruska.

Dalalka amaradan ay saameynayaan ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay guddiga qaran in dalka Soomaaliya uu ka mid yahay dalalka la joojiyay in duulimaadyadooda.

Sidoo kale go’aanadan ayaa waxa uu saameynayaa goobaha waxbarashada, Masaajidyada iyo goobaha caafimaadka.

Hoos Ka Akhriso Go’aanka Guddiga qaran ee ka hortaga Cudurka Coronavirus ee Somaliland.