Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Gen Odowaa oo gaaray Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

General Odowaa ayaa Garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay Taliyaha Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka Genaral Maxamed Sheekh Cabdullaahi iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka.

Ujeedada safarka Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Baydhabo ayaa ah siddii uu uga qeyb geli lahaa Munaasabad ay ku qalin jabineyaan Ciidamo ka tirsan Xooga Dalka Soomaaliyeed oo Maalinta Berrito ah lagu qaban doono Magaaladda Baydhabo.