Wasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo ugu baaqay Madaxweynaha Puntland inuu Muqdisho u raaco

Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Bidhaan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni inuu u raaco Muqdisho, si meesha looga saaro khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka Puntland.

Wasiir Bidhaan oo ka hadlayay shirka wadatashiga Puntland ayaa ka hadlay muhiimadda shirka, isagoo xusay inuu yahay shirkii u horeeyay noociisa ee la qabto kaddib aas aaskii Puntland

“Waa shir geesinimo ku jirto oo ah shirkii u horeeyay, siyaasiyiinta inta badan shirarka waa ka baqaan, wixii loo qabtay wax ka wanaagsan inay ka soo baxaan ayaa rajeynaynaa, waxaa aad ugu hanweynahay shirkaan inuu ka soo baxo wax soomaali isu keeni puntland horumarka ku tallaabsatay horay ugu soo talaabsato”ayuu yiri Wasiir Bidhaan.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay khilaafka in la soo afjaro, isla markaana gacanta la is qabsado, waxaa uu ugu baaqay Madaxweyne Saciid Deni inuu qaato door la mid ah kii uu hadda ka hor Garowe isugu keenay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha Puntland inuu Muqdisho u raaco, isagoo kula kaftamay inay lagu dacaayadeeyo inuu kormaro oo uu hal maro ku soo dego Muqdisho.

“shirkan wuxuu gogol xaar u yahay in la wada hadlo oo la isu yimaado daldaloolada jiro ay meesha ka baxaan, waxaa ku hanweynahay inay taas dhacdo”ayuu yiri Wasiir Bidhaan.

Shirka Wadatashiga ee ka socda Puntland ayaa la filayaa in maanta la soo gabagabeeyo, waxaa la sugayaa inay ka soo baxaan war murtiyeed si aad ah loogu dhegtaagayo.