Xildhibaan Saleebaan “Wasiiradda idin yimid yay idin hodin waxba Muqdisho idiinka keeni maayaan”

Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran oo ka mid ah ergada ka qeyb galeysa shirweynaha wadatashiga ee Puntland ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasiirada dowladda Federaalka ee shirka ka qeyb galaya.

Saleebaan Xaashi ayaa sheegay in talada dalka ay hayaan niman aan rabin in doorasho sax ah qabtaan, dastuurkana ku dhaqmaan

“Xukunka dalka waxaa haya niman aan rabin inay doorasho sax ah qabtaan, dastuurkana ku dhaqmaan, federaalnimada ilaaliyaan, ciidamada qarankana u adeegsanaya dano gaar ah oo siyaasadeed, Puntland keligeed ma diiddana ee maamulkasta baa diiddan”ayuu yiri Xildhibaan Saleebaan.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Puntland inay isugu yeerto madal kale oo qarannimada lagu badbaadiyo, isagoo ku duray Wasiirada ka socda dowladda federaalka in aanay waxba ka keeneyn Muqdisho.

“Puntland waxaan ugu baaqayaa in ay isugu yeerto madal kale oo qarannimada lagu badbaadiyo, Nimanka Wasiiradda ah ee Dowladda Federaalka idinka yimid yay idin hodin waxba Muqdisho idiinka keeni maayaan waa niman kursigooda illaashanaya ee ogaada reer Puntlandnow”ayuu yiri Xildhibaan Saleebaan Xaashi.

Shirweynaha Wadatashiga Puntland ayaa la filayaa in maanta la soo gabagabeeyo oo laga soo saaro war murtiyeed looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka iyo tan deegaanada Puntland.