Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saaka u ambabaxay Addis Ababa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Sida ay shaacisay wakaaladda Wararka ee SONNA safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriira xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaalia iyo Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay inuu la kulmi doono Madaxda dalka Itoobiya iyo Mas’uuliyiinta kale.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Addis Ababa ayaa ku soo aaday, iyadoo caalamka oo dhan uu xaalad feejignaan iyo ka hortag ugu jiro cudurka Coronavirus oo si safmar ah adduunka ugu faafay.

Soomaaliya ayaa maalin ka hor laga helay kiiskii u horeeyay ee Cudurka Coronavirus, iyadoo dalalka Itoobiya iyo Kenya uu kiisaskooda gaaray illaa afar.