Ra’iisul Wasaare Kheyre oo farriin uu ka siday Madaxweyne Farmaajo gaarsiiyay Abiy Ahmed

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan miro dhal ah magaalada Addis Ababa kula qaatay Ra’iisul  Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.

Mas’uuliyiinta ayaa isla soo qaaday xaaladda caabuqa Coronavirus iyo sida ay labada dal wadajir u wajahi karaan, iyada oo la eegayo dhinacyada la iska kaashan karo, si looga hortago inuu ku faafo labada dal.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya gaarsiiyay farriin uu ka siday Madaxweyne Farmaajo, gaar ahaan walaacii Itoobiya ka muujisay codeyntii Soomaaliya ee qaraarkii Jaamacadda Carabta horgeysay Masar ee ahaa mowqifka Masar ee muranka ka taagan Biyo xireenka Wabiga Nile ee ay Itoobiya sameystay

Ugu dambeun Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sidoo kale ka wada hadlay xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo kaalinta ay labada dowladood si wadajir ah uga qeyb qaadan karaan.