Guddoomiyihii deegaan ka tirsan Gobolka Baay oo la dilay

Guddoomiyihii deegaanka Goof-gaduud Buureey ee Gobolka Baay Xasan Mayow Isaaq ayaa xalay la dilay, kaddib markii kooxo hubeysan ay weerareen goob uu ku sugnaa.

Sida wararku sheegayaan Guddoomiyaha oo dhaawac culus ka soo gaaray weerarka ayaa markii dambe ku geeriyooday isbitaalka magaalada Baydhabo.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Guddoomiyaha deegaanka Goof-gaduud, iyadoo intaa ku dartay in weerarkan uu ahaa mid horay loo qorsheeyay.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa wax war ah ka soo saaran dilka Guddoomiyaha deegaanka Goofgaduud, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Ciidamada ammaanka ay howlgalo ka wadaan tuulooyinka ku dhow deegaanka Goofgaduud.

Deegaanka Goofgaduud ayaa magaalada Baydhabo u jirta qiyaastii 30KM, waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda.