Sawirro: Mid ka mid ah Kaamirooyinkii ku xirnaa Wadada Maka Al-Mukarama oo la qarxiyay

Mid ka mid ah Baalayaasha Kaamirooyinka qarsoon ee loo yaqaano CCTV oo ku xiran Wadada Maka Al-Mukarama ayaa xalay saqdii dhexe la qarxiyay, iyadoo qaraxa jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Baalaha ku xirnaa kaamirada ayaa ku yaallay inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Sayidka, gaar ahaan agagaarka Hotelka Wehliye.

Lama soo sheegin wax khasaare nafeed oo ka dhashay, marka laga reebo burbur soo gaaray baalihii ay ku xirneyd Kaamirada.

Muddooyinkii la soo dhaafay Hey’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho ku xirtay kaamirooyinka qarsoon ee amniga lagu ilaaliyo waxaana goobaha lagu rakibay ka dhigay ciidamo suga ammaankooda.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayay aheyd markii u horeysay oo qaraxyo lala beegsaday qaar ka mid ah kaamirooyinka qarsoon ee lagu rakibay wadada Maka Al-Mukarama.